Hasselbank Oo Saadaaliyay Xiddiga Chelsea U Dhalin Doona 20 Gool Xilli Ciyaareedkan Markii Ugu Horeysay Tan Iyo Diego Costa.

0
169

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Jimmy Floyd Hasselbaink ayaa saadaaliyay in Pierre-Emerick Aubameyang uu dhalin doono 20 gool xilli ciyaareedkan inkastoo Chelsea ay si xun ku bilaabatay xilli ciyaareedka.

Laakiin halyeeyga Blues ayaa sheegay in Auba uu yahay kaliya xal muddo gaaban ah sababo la xiriira da’diisa islamarkaana tababaraha cusub Graham Potter u baahan yahay inuu ka soo fekero bedelkiisa.

Aubameyang ayaa Chelsea ku soo biiray maalintii ugu danbeysay suuqa kala iibsiga xagaaga, welina wax gool ah uma dhalinin.

Hasselbaink oo 70 gool oo Premier League ah u dhaliyay Chelsea 136 kulan uu u saftay ayaa yiri: “Aubameyang shaqo fiican ayuu ku qabtay Barcelona. Goolal ayuu ku dhalinayay. Wuxuu Chelsea u noqon doonaa saxiix fiican labada sannadood ee soo socota.

“Uma maleynayo inuu noqon karo saxiix afar ama shan sannadood ah. Waa saxiix labo sanno ah. Waxaan aaminsanahay inuu goolal dhalin doonaa, wuu garanayaa halka uu shabaqa ka xigo.

“Sababtii uu Chelsea ugu saxiixay waxay aheyd Tuchel dartiis laakiin ciyaartoyda waa ay ogsoon yihiin tababare uu bixi karo ama imaan karo.

“Aubameyang wuxuu dhalin doonaa 20 gool. Miyay Chelsea heystaan koox ay ku qaadi karaan horyaalka? Maya weli.

“Miyay heystaan koox ay ku soo geli karaan afarta sarre uguna tartami karaan FA Cup ama meel fog ka gaari karaan Champions League? haa.”

JW CHELSEA 20 GOAL SCORERS GRAPHIC

Aubameyang oo 33 sanno jir ah ayaa bedelay Romelu Lukaku oo amaah ugu laabtay Inter Milan ka dib hal xilli ciyaareed uu joogay Stamford Bridge.

Chelsea ma ahan koox nasiib u leh gooldhaliyayaasha sannadigii ugu danbeeyay, waxaa sidoo kale ka fashilmay Timo Werner oo dib ugu laabtay Bundesliga labo xilli ciyaareed uu Chelsea joogay ka dib.

Ciyaaryahankii ugu danbeeyay ee Blues ee 20 gool oo Premier League ah dhaliya hal xilli ciyaareed wuxuu ahaa Diego Costa xilli ciyaareedkii 2016-17.