Harry Kane Oo Xilli Dambe Hurdada Ka Toosay, Guulna Ku Hoggaamiyey Bayern Munich Iyo Inter Oo Ka Takhalustay RB Salzburg

0
92
Bayern Munich's English forward #09 Harry Kane (L) celebrates after scoring a goal during the UEFA Champions League group stage football match between Galatasaray and Bayern Munich at the Ali Sami Yen Spor Kompleksi in Istanbul on October 24, 2023. (Photo by YASIN AKGUL / AFP)

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Bayern Munich ayaa sagaal dhibcood yeelatay saddexdii ciyaarood ee ugu horreeyey wareegga group-yada Champions League, waxaanay caawa waqti dambe ka takhalustay naadiga reer Turkey ee Galatasaray oo in badan dagaallamay.

Harry Kane ayaa gool dhaliyey, mid kalena caawiyey 15kii daqiiqadood ee ugu dambeeyey ciyaarta, iyadoo qaybtii horena ay labada kooxood min hal gool kala dhaliyeen, waxaanay taasi keentay in kooxda reer Germany ay gaadho guul 3-1 ah.

Weeraryahanka reer France ee Kingsley Coman ayaa gool degdeg ahaa kaga nixiyey Galatasaray daqiiqaddii siddeedaad ee bilowga, kaddib kubbad uu ka helay Leroy Sane, taas oo waqti hore siisay fursad ay jamaahiirta Bavaria ee martida ahaa ku dabbaal-degaan magaalada Istanbul.

Laakiin Galatasaray oo haysatay taageereyaal tiro badan oo sawaxan ku garab taagnaa kooxdooda ayaa weerarro joogto ahaa ku ekaysay goolka Bayern Munich, inkasta oo ay ogolaadeen in kubadda laga haysto maadaama Munich ay caan ku tahay in ay kubadda ka ilaaliso kooxaha kasoo horjeeda.

Daqiiqaddii 30aad ayay Galatasaray keentay goolka ciyaarta uu barbarro kaga dhigay Mauro Icardi oo shabaqa ku hubsaday kubbad rikoodhe ahayd oo uu si xun ugu galay goolhaye Ulreich.

Ciyaarta oo u muuqanaysay in ay labada kooxood sii daalayaan oo ay barbarro ku heshiinayaan, ayaa waxa boodhka iska jafay Harry Kane oo daqiiqaddii 73aad shabaqa soo taabtay, lix daqiiqadood kaddibna waxa uu kubbad u dhiibay Jamal Musiala oo isaguna si fiican u dhamaystiray.

Guushan ayaa ka dhigan in Bayern Munich ay badisay saddexdii ciyaarood ee ay la dheeshay Manchester United, FC Copenhagen iyo Galatasaray, sidaasna ay sagaal dhibcood ku haysato.

Dhinaca kale, Inter Milan ayaa guul 2-1 ah ka gaadhay RB Leipzig oo marti ugu ahayd San Siro Stadium, waxaana labada gool ee Nerazzurri dhaliyey Alexis Sanchez iyo Hakan Çalhanoğlu oo rikoodhe saxeexay, halka waqti dambena Inter Milan laga diiday gool saddexaad oo uu dhamaystiray Lautaro Martinez oo ay VAR meesha ka saartay.