Ciyaaryahan oo isbuucaan 28-sano jir noqday ayaa ka cararaya dhibaatada koob la’aaneed oo ay dhexda kaga jirto Kooxda Tottenham, isagoo doonaya in ugu yaraan uu koox kale raadsado si inta uusan ka fariisan ciyaaraha uu koob ugu guuleysto.
Waxa uu Harry Kane seegay tababarkii shalay ay sameysay Kooxdiisa Tottenham sidoo kalena maanta ayuu ka maqan yahay tababarka Spurs, waxaana la sheegayaa in kooxda ka dhisan London ay ganaaxi doonaan.
Si aan caad saarnayn ayaa loola xiriirinayaa Harry Kane kooxda xafidanaysa horyaalka Premier League ee Manchester City oo rabta inay xiddigan reer England u qaataan beddelka booskii uu banneeyey Sergio Kun Aguero oo beeca xorta ah ugu biiray Kooxda Barcelona.
Warbaahinta England ee dhanka ciyaaraha qaarkeeda ayaa warinaysa in Kane xaaladdiisu ay tahay mid marxalad adag galinaysa maamulka sare ee Kooxda Tottenham gaar ahaan Madaxweynaha naadiga ee Daniel Levy oo doonaya in Weeraryahankan uu kooxda ku sii celiyo.
Illaa iyo hadda wax war ah oo ku aaddan arrinta kama soo bixin Kooxda Tottenham iyo Harry Kane qudhiisa.