Hansi Flick Oo Sharaxay Sababta Uu Kabtanka Barcelona U Fariisiyay Kulankii Real Betis

0
55

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Tababaraha kooxda Barcelona, Hansi Flick, ayaa faahfaahin ka bixiyay sababta kabtanka kooxdiisa Raphinha uu uga mid noqon waayay safka hore ee ciyaarta La Liga ee ay kooxdiisu la yeelatay Real Betis Sabtidii.

Raphinha, oo ah xiddig xulka Brazil, ayaa si lama filaan ah loogu arkay kursiga keydka ciyaartaas, taasoo ka yaabisay taageerayaal badan. Si kastaba ha ahaatee, Flick ayaa sheegay in go’aankaasi uu ahaa mid uu ciyaaryahanka ku nasinayo kadib jadwal adag oo ay kooxda la kulantay.

Flick ayaa la rumeysan yahay inuu indhaha ku hayay kulanka muhiimka ah ee lugta hore ee wareega siddeed dhammaadka Champions League oo ay Arbacada la ciyaarayaan kooxda Borussia Dortmund, taasoo keentay inuu xadido daqiiqadaha uu Raphinha ciyaarayo si uu ugu diyaar garoobo ciyaartaas.

Ciyaarta markii ay dhamaatay waxaa la arkayay Raphinha oo si waalli ah u aflagaadeynaya garsoorihii kulanka.wuxuu xitaa muujiyay caro ka dhan ah Hansi Flick maadaama ciyaarta la soo geliyay qeybtii dambe.