Halyeey Liverpool ah oo u digay kooxda Everton ka hor kulanka Merseyside derby

0
296

Liverpool ayaa marti ugu noqon doonto kooxda Everton garoonka Goodison Park Sabtida soo socota, si ay u wada ciyaaraan ciyaar qeyb ka ah kulamada Isbuuca Shanaad horyaalka Premier League ee kal ciyaareedkan 2020/21.

Haddab wargeyska “Daily Mail” ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Halyeeyga kooxda Liverpool ee Danny Murphy, wuxuuna yiri:

“Markii ugu horreysay sanado badan kaddib kooxda Everto ayaa ciyaareysa waxayna rajeeneysaa inay guuleysato, laakiin kubadda cagta waxaa wanaagsan inaad taxadirto”.

“Dhamaanteen waan ognahay in wiilasha Jurgen Klopp ay leeyihiin dabacsanaan weyn iyo shaqsiyad ay weheliso tayadooda muuqata”.

Tottenham news: Murphy doesn't think signings like Llorente will be a habit

“Waxay ka gudbeen wax kasta oo caqabad ah labadii xilli ciyaareed ee la soo dhaafay, waxayna soo laabteen kaddib markii looga adkaaday finalo badan oo Yurub ah, iyadoo aan la xusin hal kulan horyaalka Premier League ah ee ka dhacay garoonka Villa Park”.

“Haddii aan ka mid ahaan lahaa qolka labiska ee Everton, waxaan dhihi lahaa iska jir xayawaanka dhaawacmay, gaar ahaan maadaama Sadio Mane, Jordan Henderson iyo Thiago Alcantara ay fiicnaan doonaan”.