Halyeey kooxda Juventus ah oo weerar culus ku qaaday Cristiano Ronaldo

0
175

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Halyeeyga Juventus ee Pasquale Bruno ayaa weerar dab ah ku qaaday xiddiga kooxda ee Cristiano Ronaldo, kaddib markii ay Bianconeri isaga hartay tartanka UEFA Champions League.

Cristiano Ronaldo iyo saaxiibbadiisna waxay ku guuldareysteen inay ka gudbaan caqabadii kooxda reer Portugal ee Porto labadii kulan ay ku wada ciyaareen wareega 16-ka tartanka UEFA Champions League.

Wargeyska “Marca” ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Halyeeyga Juventus ee Pasquale Bruno, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Maamulka kooxda waxay ku ciyaareen wax walba.”

“Waxay casileen Massimiliano Allegri, si ay ula saxiixdaan Maurizio Sarri, way casileen isagana kaddib hal xilli ciyaareed, kaliya Ronaldo iyo saaxiibadiis waxay doonayaan bandhig.”

“Waxaad u maleyneysaa in ciyaartoyda ay yeelan karaan ereygooda laakiin taasi run maahan, iyaga ma ahan kuwa go’aanka qaadan kara.”

Pasquale Bruno ayaa wuxuu intaas ku daray: “Juventus waa koox laga xishoodo, oo uu xukumo Cristiano Ronaldo.”

Si kastaba ha noqotee, Kooxda Juventus ayaa kala horeynta horyaalka talyaaniga kaga jirta kaalinta sedaxaad, waxana ay leedahay 55-dhibcood, 10 dhibcood ayeey ka hooseysaa kooxda Inter Milan oo ku jirta kaalinta koowaad, laakiin Juventus ayaa u harsan hal kulan.