Halyeey Chelsea ah oo muujiyay saxiixa faa’iido badan ugu jirto Blues… (Ma Ronaldo, Sterling, mise Neymar?)

0
210

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Halyeeyga Chelsea ee Jason Cundy ayaa muujiyay fikirkiisa ah saxiixa faa’iido badan ugu jirto Blues, wuxuuna sheegay inuu yahay xiddiga Manchester City ee Raheem Sterling marka loo eego fikrada ay kula saxiixaneyso Cristiano Ronaldo ama Neymar Jr.

Chelsea ayaa raadineysa inay soo gabagabeyso dhowr heshiis oo xoogan inta lagu guda jiro suuqa xagaaga si ay u abuurto bilow wanaagsan oo milkiilaha cusub kooxda ee Todd Boehly ah, kaddib dhammaadka waayahai milkiilihii hore ee Roman Abramovich.

Sida lag soo xigtay SportSkeeda halyeeyga Jason Cundy ayaa muujiyay fikirkiisa ah saxiixa faa’iido badan ugu jirto Blues, wuxuuna tilmaamay:

“Waxaan sheegay marar badan in aan u maleynayo in Neymar Jr uu yahay ciyaaryahan la buunbuuniyay.”

Halyeeyga Chelsea oo hadalkiisa sii watay, ayaa ka hadlayay suurtagalnimada ah in Ronaldo lagu soo darro kooxda kaddib rabitaankiisa ah inuu ka tago United ayaa wuxuu yiri:

“Waxaa jirta qayb iga mid ah oo ka walaacsan in heshiiskani aanu noqon doonin sida uu rabo Thomas Tuchel.”

“Waxay u muuqataa in Todd Boehly uu keenayo lacagta uuna soo jiito fikrada saxiixa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican adduunka kaddib marka uu noqday mid la heli karo.”

“Kadibna waxaa immaanaya Sterling, oo aniga ahaan illa ah dookh macquul ah, ma garanayo inta ay ku kaceyso in lagula soo saxiixdo isaga, laakiin heshiisku wuxuu u muuqdaa mid aad u fiican.”