Hal ruux oo ku geeriyooday Shil Gaari degaannada Somaliland

0
373

Dhobley(Idaacadda Sanguuni)-inta la xaqiijiyay hal Ruux ayaa geeriyooday kadib markii Shil Gaari uu Maanta ka dhacay isgoyska Sabaxareed ee Degmadda Maxamuud Haybe ee Magaalada Hargeysa degaannada Soomaaliland.

Shilka ayaa waxaabuu yimid kadib markii uu farriin goostay Gaari nooca xamuulka qaado ah oo ka yimid dhinaca Garoonka diyaaradaha Cigaal, kaas oo dardaray (jiiray) qofka geeriyooday.

Sidoo kale waxaa burbur xoogan uu gaaray Gaariga shilka galay, iyada oo goobta ay tageen Ciidamada ilaalada waddooyinka ee taraafikada, kuwaas oo xiray Daarawalka Gaariga sidoo kalena Goobta ka qaaday meydka qofka dhintay.

Bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa degaannada Somaliland iyo Puntland ku batay Shilalka Gaari, waxaana dhowrkii bilood ee la soo dhaafay shil gaar ku geeriyooday degaannada Puntland iyo Somaliland in ka badan 20 Ruux.