Hal milyan oo qof oo ay saameeyeen daadadka Nigeria

0
66

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Maamullada dalka Nigeria ayaa sheegay in ugu yaraan hal milyan oo qof ay saameyn ka soo gaartay daadad halkaasi ku dhuftay.

Dhibaatadan oo laga soo tabiyay Waqooyiga Bari ee Nigeria ayaa waxaa ku geeriyooday ugu yaraan 30 qof.

Talaadadii ayay ahayd markii uu jabay ceel biyoodka Alau dam ee webiga Ngadda ee gobolka Borno waxaana ka dhashay fatahaado ay dadka uga barakaceen guriyahooda.

Dhimashada ka dhalatay arrintaasi waxaa warbaahinta u xaqiijiyay afhayeenka maamulka qaran ee maareynta xaaladaha degdegga ah ee Nigeria Ezekiel Manzo.

Waxaa uu intaasi ku daray in kastoo hadda diiwaangelinta ay socoto in tirada dadweynaha ay saameynta ku yeesheen daadadka ay gaari karto labo milyan oo qof.

Galbeedka Afrika ayaa muddo tobaneeyo sano ah waxaa soo wajahay daadadkii ugu darnaa .

Tan iyo billowgii sanadkan , fatahaadaha ayaa waxaa ku waxyeelloobay in ka badan 2.3 milyan oo qof.

Qaramada Midoobay ayaa laga soo xigtay in tiradan ay tahay saddex jibbaar midii sanadkii hore.