Hal Abuur Ganacsi oo Cusub oo ka hirgalay xeebta liido inta lagu guda jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

0
175

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Xeebta liido ee magaalada muqdisho afurka kadib  habeen kasta boqolaal dadwayna ah oo dhalinyaro u badan ayaa halkaasi u soo nasiina taga.

ku caweynta xeebta liido xiliga habeenki inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan waxaa ka dhashay hal abuur ganacsi oo dhawaan halkaasi ka Hana qaaday
tira haween ah ayaa xeebta liida waxay ku iibiyaan shaaha iyo waxyaaba kale halka kuwa kala dadka halkaasi u soo nasiina tagay ay ka kireeyaan kuraasta ay ku caweeyaan.

Zamzam maxamed xaaji oo kamid ah haweenka haweenka halkaasi shaaha ku iibiya ayaa ka warbixisay sida uu yahay ganacsigeeda iyo sababaha ku dhaliyay inay halkaasi meherad ka furato.

Qaar kamid ah dhalinyarada u soo caweeya xeebta liido ayaa dhakooda ka hadlay dareenkoda iyo sida uu yahay ku caweynta xeebta liido inta lagu gudo jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Maxamed Cali Samow. ayaa warbixintan ku eegaya