Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xiddiga reer Morocco iyo kooxda Chelsea ee Hakim Ziyech, ayaa markale dib lala xiririnayaa naadiga AC Milan inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee xagaagan.
Sida laga soo xigtay website-ka “CalcioMercato” ee dalka Talyaaniga, waxaa biloowday wadalka u dhexeeya Hakim Ziyech iyo kooxda AC Milan, iyada oo wakiilka ciyaaryahanka uu la xiriiray Paolo Maldini oo ah agaasimaha farsamada ee Rossoneri, si uu u xaqiijiyo rabitaanka kooxda ee ah inay dooneyso saxiixa xiddiga reer Morocco.
Milan ayaa isku dayday inay xagaagii hore la soo saxiixato Hakim Ziyech si ay uga dhigato badelka Hakan Çalhanoğlu, laakiin wax heshiis ah lama gaadhin Chelsea, sidaas darteed heshiiska wuu fashilmay.
Shabakadda Talyaaniga ayaa tilmaantay in xiriirka Ziyech iyo tababarihiisa Thomas Tuchel uu noqday mid liita 12-kii bilood ee ugu dambeeyay, sidaas darteed xiddiga reer Morocco ayaa doonaya inuu raadiyo koox cusub.
CalcioMercato ayaa sharraxay in Milan ay u aragto heshiis ku habboon Hakim Ziyech si kor loogu qaado tayada weerarka, gaar ahaan maadaama uu xiddiga Moroccan u ciyaari karo kubad sameeye iyo garabka midig.
Shabakadda Talyaaniga ayaa sheegtay in wakiillada Ziyech ay Milan ku wargeliyeen in Chelsea ay u baahan tahay in laacibka ay ku dirto heshiis amaah oo hal xilli ciyaareed ah, iyo qiimo dhan 6 ama 7 million euros, iyadoo uu jiro qodob ku saabsan in lagu heshiin karo in hadhoow si toos ah loo iibsan karo.