
Hakan Calhanoglu oo todobaadka soo aaddan uu dhici doono qandaraaskiisa AC Milan ayaa ka tagaya kooxda Milan, waxaana uu qarka u saaran yahay inuu ku biiro Inter Milan, isagoo u saxiixi doona qandaraas ku eg illaa bisha June ee sanadka 2024-ka.
Hakan ayaa iska diidi doona inuu heshiiska u kodhiyo kooxda kubadda cagta AC Milan, sida wararku ay sheegayaan.
Xiddiga xulka qaranka Turkiga ayaa tijaabada caafimaad ku marti doona Magaalada Milan berri oo Talaado ah, ka hor inta uusan heshiis saddex sanadood ah u saxiixin kooxaha xafidanaysa horyaalka Serie A.
Calhanoglu ayaa qarka u saaran inuu dib ugu soo laabto Magaalada Milan maanta oo Isniin ah kaddib markii uu xilli hore xulkiisa Turkiga isaga soo haaray tartanka Euro 2020, iyadoo xulka Tababare Senol Gunes uu ku guuldarreystay inuu hal dhibic ka soo helo xulalka Italy, Wales iyo Switzerland.
27-sano jirkaan ayaa si joogto ah loola xiririinayey kooxo ka dheela horyaalka Premier League, si la mid ah Kooxaha Atletico Madrid, Barcelona iyo kuwa ay ku xafiiltamaan horyaalka Serie A ee Juventus iyo Inter.
Hakan Calhanoglu ayaa haddii uu ku biiro Inter, waxa uu ka mid noqon doonaa xiddigaha u soo wada ciyaaray AC Milan iyo Inter Milan ee kala ah; Ibrahimovic, Seedorf, Pirlo, Ronaldo, Crespo, Christian Vieri, Baggio, Balotelli, Patrick Vieira, Cassano, Edgar Davids iyo Bonucci.