Guushii Cidhiidhiga Ahayd Ee Man United, Gumaadkii Ay Geysatay Newcastle Iyo Waxyaabihii Ka Dhacay Horyaalka Premier League

0
115

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Manchester United ayaa kusoo laabatay  jidka guusha, waxaanay saddex dhibcood oo muhiim ah ka qaadatay Brentford oo ay kaga aargoosatay Old Trafford iyadoo kooxdan yari ahayd naadigii sida xun u xasuuqay Red Devils bilowgii xilli ciyaareedka.

Gool madi ah oo uu qaybtii hore dhaliyey Marcus Rashford ayaa Manchester United ugu filnaaday inay kusoo laabato daariiqa guusha ee ay Newcastle ka lumisay Axaddii.

Manchester United ayaa ku dhibaatootay guushan oo ay rafaad badan u martay, waxaanay ka badbaadeen weerarro badan oo halis ahaa oo ay kusoo qaadday Brentford, halka qaybtii hore ay Manchester United weyday xiddigeeda difaaca bidix ee Luke Shaw oo ka dhaawacmay.

Man United Brentford

Guushan ayaa waxay Manchester United siisay fursad ay ugu soo laabato kaalinta afraad ee miiska kala-sarraynta Premier League iyaga oo dhaafay Tottenham oo farqiga goolasha kaga sarraysay oo ay hadda saddex dhibcood ka horreeyaan.

Dhinaca kale, Newcastle United ayaa xasuuq u geysatay West Ham United oo ay 5-1 ku burburiyeen kulan ay kooxda Sucuudigu maalgeliyo goolal qurux badan dhalisay.

Callum Wilson ayaa madax ku furay gool-dhalinta ciyaarta qaybtii hore, ka hor intii aanu Joelinton kubbad uu kala baxsaday difaaca u goynin goolhaye Lukasz Fabianski oo kalidii ah, waxaana goolkan ansixisay VAR oo beddeshay go’aanka garsooreyaasha dhexe oo offside xukumay.

Qaybta hore intii aanay dhamaanin ayay West Ham kusoo laabatay ciyaarta, waxaana gool madax ah u dhaliyey Kurt Zouma oo si weyn u dabbaal-degay isaga oo moodayay inay awoodi doonaan inay iska soo bedaan goolka kale ee laga horreeyey.

Laakiin ma shaqaynin fikirkaas, waxaanay Newcastle sii wadatay goolasheeda qaybtii labaad oo ay raacisay saddex gool oo kale oo ay kala dhaliyeen Callum Wilson, Alexander Isak iyo Joelinton oo mar labaad kusoo laabtay gool dhalinta.

Natiijadan ayaa ka dhigan in Newcastle ay kaalinta saddexaad kaga jirto miiska kala-sarraynta Premier League, waxaanay min 53 dhibcood haystaan Manchester United oo dhinaca goolasha ay kaga horreeyaan.