Guriga Ra’iisul Wasaaraha Sri Lanka oo dab la qabadsiiyay

0
173

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Waxaa dab la qabadsiiyay guriga Ra’iisul Wasaaraha Sri Lanka, Ranil Wickremesinghe.

Waxaa saacaddii lasoo dhaafay cirka isku shareeray rabshado u dhexeeya dibadbaxyaasha iyo booliska.Kumanaan qof oo dibadbaxyo ka dhigaya caasimadda Sri Lanka ee Colombo, ayaa xoog ku galay guriga madaxweyne dalkaas Gotabaya Rajapaksa iyo xarumaha dowladda ee ku dhow. Wararka ayaa sheegay in madaxweynahay mar hore loo raray goob ammaan ah.

Dadweyne aad u fara badan oo ka careysan sida uu madaxweynuha u maareeyay dhibaatadii dhaqaale ee ugu xumayd ee saameysay Sri Lanka muddo tobanaan sano ah ayaa lagu arkayay waddooyinka xilli ciidamada ammaankaaykukala eryayeen dadka suntan dadka ka ilimeysiisa.

Dibadbaxyaasha waxay codsanayeen inuu is casilo madaxweynaha.