Gudoomiyaha Deegaanka Qaam-Qaam oo Dowlada iyo Hay’adaha ka codsaday in xaruun Caafimaad loo hirgaliyo

0
195

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Deegaanka Qaam-qaam waa mid ka mid ah deegaanada dhaca dhanka waqooyi ee magaalada kismaayo,deegaankan ayaa ku tiirsan daglayada Beeraha waxayna sidoo kale ka mid tahay deeganada loo soo dalxiis tago ee  dowlad goboleedka Jubbaland
Xarun Caafimad oo u shaqeeysa bulshada ayaa ka jirin deegaanka,waxayna taasi ay sameeyn badan ku reebtay dadka ku nool deegaanka Qaam-Qaam.

Guddomiyaha deegaanka qaam-qaam Ali Farax Ismaciil. oo warbahiinta la hadlay ayaa kawarbixyay baahiyaha caafimaad ee kajira deeganka.

Dhinaca kale qaar kamid ah bulshada deeganka ayaa waxa ay wasaaradda cafimaadka jubbaland iyo hay’adaha ka codsadeen in loo hirgaliyo xaruun caafimaad.

Naxwo Axmed Kadiye. ayaa warbixintan ku eegeysa