Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Guddomiyaha Degmada Dhoobley mudane Siyaad Maxamed Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa uga warbixyey dareenkisa ku aadan in golaha wasiirada Jubaland ay maanta u ansixiyeen Dhoobley inay noqoto mid kamid ah degmooyinka Jubaland
Waxa uu warbaahinta u sheegey in ay talaabadan ay tahay guul u soo hoyatay umada Soomaaliyeed gaara ahaan dadka Jubbaland ee ku dhaqan Degmada Dhoobley
Golaha wasiirada jubaland aya maanta shirkoodi khamiislaha ku qabsaday Magaalada Dhoobley waxaa shirkan shir gudoomiyey madaxweyne ku xigeenka koobad ee Jubbaland waxa sido kale qeyb ka ahaa shirka madaxweyne ku xigeenka labad ee Jubaland mudane Suldaan Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud
Markii uu soo idlaaday shirki todobaadlaha golaha wasiirada Jubbaland oo todobaadkan lagu qabtay Degmada Dhoobley waxa bulshada Dhoobley guushan ugu hambalyey Gudoomiyaha Degmada isagoo u mahadceliyey masuuliyiinta madaxda dowlada ee ku sugan Magaalada iyo dowrka buuxda ee ay ka qaateen ansixinta Degmo nimada dhoobley
Maxamed Cali Samow. ayaa ka warramaya