Gudomiyaha Degmada Badhaadhe oo kawarbixiyay Xaalada guud ee Degmada iyo dadki ay abaartu saameysay

0
227

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Abaartii xooganayd ee ka dhacday dalka gaar ahaan deegaanada jubbaland ayaa saamayn wayn ku reebtay dadka xoolo dhaqatada ah ee ku nool deegaanada dowlad goboleedka jubbaland kuwaasi oo ku waaye xoolohodii islamarkaana noqday dad barakacayaal ah oo badankood ku barakacay deegano ku tiirsan magaalada kismsayo ee xarunta gobolka jubada hoose.

Dagmooyinka ay sida aadka ah u sameesay abaarta ayaa waxa kamid ah degmada badhaadhe iyo deegaano hos yimaada oo ku tiirsan badwaynta hindiya iyo kuwa joore inta badan dadka ku nool deegaanda hoos yimaada degmada badhaadhe ee ay sida aadka ah u sameesay abaarta ma aysan helin gurmadkii ay u baahnaayeen taasi oo mar walba markii kasii danbesay ay uga darsantay xalada bini,aadanimo ee ku gadaaman

Maxamed Ibrahim faarax gudoomiyaha degmada bahdaadhe ee gobolka jubada hoose oo la hadlay warbaahinta ayaa hay’adaha samafalka ee ka howlgala guud ahaan dalka gaar ahaan deeganada jubbaland uga baaqay in ay gurmad dagdag ah lasoo gaaraan shacabka ku dhibaataysan degmada badhaadhe ee ay abaartu saamaysay.

Dhanka kale gudoomiyaha ayaa ka hadlay dhibaatooyinka haystaa kaluumaystada taasi oo ah in ay dhibaatooyin ku qabaan maraakiib shisheeye oo si sharci Darra ah kaga kaluumaysanaya xeebaha dalka gaar ahaan deegaan xeebeedyada iyo jaziiradaha hoos yimaada degmada badhaadhe ee gobolka jubada hoose.

Maxamed Cali Samow. ayaa warbixintan ku eegaya