Gudiga gurmadka fatahaadaha Jubbaland oo kormeer ku tagay Deeganada waqooyiga Kismaayo

0
98

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubbaland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud, Wasiirka Wasarada Tamarta iyo Kheyraadka biyaha Jubbaland Axmed Xuseen Baraki iyo Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland Mundane Abdullahi Dhubad Shiil oo qeyb ka ah guddiga gurmadka fatahaadaha Jubbaland ee uu dhawaan magacaabay Madaxweynhaha Jubbaland ayaa waxa ay maanta kormeer ku tageen qaar kamid ah deeganada Waqooyi ee magaalada Kismaayo.

Deegaanada ay masuuliyiintan booqdeen ayaa waxaa si wayn u saameeyay fatahadaadda uu sameeyay Webiga Jubba oo meelo badan oo deeganada Jubbaland ah karkaarada jabsaday.

Xasan Maxamed Cabdullaahi.ayaa kawaramaya