Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Kulan baaladhan oo ay si wadajir ah u soo abaabuleen gudiga gurmadka abaaraha magaalada dhoobley iyo maamulka deegaanka oo ay kasoo qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada sida odoyaasha, culumaa’udiinka dhalinyarada iyo haweenka ayaa lagu qabtay beerta nabada ee magaalada dhoobley.
Ujeedada kulankani ayaa ahaa mahad celin loo sameynayay gudiga abaaraha dhoobley maadaama ay qabteen shaqo isxilqaan ah taasi sabab u noqotay dad badan oo ku nool deegaanada miyiga ee katirsan gobolka jubada hoose ee abaartu saameysay in gargaar helaan.
Cabdirashida cabdiraxman cabdullahi oo ah xubin katirsan gudiga gurmadka abaaraha dhoobley ayaa sharaxaad ka bixiyay shaqada gudiga ay qabteen oo ay maanta soo xirayaan maadama deegaanka ka da’ay roobabka dayrta oo ay ku diirsadeen dadka iyo dunyaba.
Ugu dambayn gudomiyaha deegaanka dhoobley siyaad maxamed xasan oo kulankaasi soo xirey ayaa u mahad celiyay gudiga abaaraha iyo dhamaan intii ka qeyb qaadatay garab istaagidda dadki ay abaarta saameysay iyo waqtigii adkaa ee lasoo maray.
Cabdullahi Cabdicasiis Siraad. ayaa ka warramaya