Guddoomiye Maxamed Xuseen Xaamud oo booqasho ku tagay Safaradda Somaliya ee Dalka Turkiga

0
209

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee La-dagaalanka Musuq-Maasuqa Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Abuukaate Maxamed Xusseen Xaamud oo safar shaqo ku jooga Turkiga ayaa maanta booqday Safaarada Soomaaliya ee wadanka Turkigs  gaar ahaan magaalada Ankara iyo Istanbul.

Guddoomiyaha ayaa xarunta safaaradda kula kulmay Danjiraha safaaradda  Soomaaliya ee dalka Turkiga Mudane Jaamac Cabdullaahi Maxamed iyo howl wadeenada safaaradda.

Guddoomiyaha ayaa safiirka iyo  howlwadeenada safaaradda ku bogaadiyay shaqada ay Qaranka u hayaan, isla markaana kula dardaarmay in la dardargaliyo howlaha safaaradda ayada oo la ilaaliyo hufnaanta shaqada, In safaaradu Tirakoobto dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Turkiga,  ka warhaynta iyo dhisidda Jaaliyad midaysan, Haggaajinta nidaamka maaliyadda iyo  dakhliga ay Safaaraddu qabato laguna xareeyo Bangiga Dhexe, In la hagaajiyo kala danbaynta shaqada ee Diplomaasiyiinta Safaaradda ka hawlgala si loo hormariyo dowladnimada.