Guddoomiyaha Ururka Dhalinyarada Jubbaland oo kulan soo dhaweyn ah loogu sameeyay Dhoobley

0
44
Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Dhalinyarada Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa kulan soo dhaweyn ah u sameeyay Guddoomiyaha Ururka Dhalinyarada Jubbaland, Mudane Cabdiwahaab Bilaal, oo howlo shaqo u joogay Degmada.
Kulankan oo uu si gaar ah u soo agaasimay Guddoomiyaha Dhalinyarada Degmada Dhoobley, Mudane Cabdiraxiin Gandhari, ayaa lagu qabtay gudaha Magaalada Dhoobley, waxaana looga gol lahaa in lagu soo dhoweeyo masuulkan, islamarkaana looga wada hadlo xaaladda dhalinyarada Degmada iyo doorkooda ku aaddan horumarinta Deegaanka.
Xasan Maxamed Cabdullaahi.ayaa kawaramaya