Guddoomiyaha SoDMA oo Shir-weynaha COP29 kaga Hadlay Saameynta La Niña

0
43

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ka mid ah wafdiga Soomaaliya uga qaybgalaya shir-weynaha caalamiga ah ee COP29 ee ka socda magaalada Baku, Azerbaijan, ayaa ka mid noqday madaxdii ka hadashay kulan muhiim ah oo looga doodayay saameynta La Niña ee la filayo in ay ku yeelato gobolka Bariga Afrika iyo abaarta ka dhalan karta.

Guddoomiyuhu, oo hadal muhiim ah ka jeediyay shirka, ayaa ku adkeeyay in hadda ay tahay waqtigii saxda ahaa ee la qaadi lahaa tallaabooyin lagaga hortagayo abaarta la saadaalinayo, iyadoo la xoojinayo nidaamka digniinaha degdegga ah iyo hubinta in fariimaha digniinta ay gaaraan dhammaan shacabka ay abaartu saameyn karto.

Shirka waxaa sidoo kale ka qeybgalay madaxa urur-goboleedka IGAD iyo wasiirro ka socda dalalka Jabuuti iyo Itoobiya.