Guddoomiyaha Maxkamada gobolka Banaadir oo ka hadlay sababta dib ugu dhacaan fulinta xukunada ridaan

0
49

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, Mudane Saalax Cali Maxamuud, ayaa sheegay in sababta dib u dhaca ku yimaada xukunnada maxkamaduhu ay salka ku hayso ilaalinta xuquuqda dadka ku lugta leh dacwadda – gaar ahaan eedeysanaha iyo dhibbanaha.

Guddoomiyaha ayaa caddeeyay in ay sharci ahaan aan suurtagal ahayn in xukun lagu fulo qof aan weli qaadan fursaddiisa racfaan. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale xusay in hay’adaha garsoorku ay mas’uul ka yihiin xaqiijinta in geeddi-socodka cadaaladda uu u dhaco si waafaqsan sharciga, iyada oo aan lagu degdegin go’aammo saameyn ku yeelan kara nolosha dadka.

Fardowsa Axmed Cabdi.ayaa kawarameysa