Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay Guddiga Gurmadka Abaaraha kuwaas oo Guddomiyaha kala hadlay sidii wax looga qaban lahaa abaarahan soo noq-noqday.
Guddiga abaaraha ayaa Guddoomiyaha ka codsaday in qeyb ka mid ah loogu deeqo lacagihii musharaxiinta laga qaaday si wax loogu qabto dadka dhibaateysan sida lagu sheeegay qoraal kooban oo lagu daabacay bogga golaha uu ku leeyahay Facebook
Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa guddiga kula dardaarmay in sida ugu wanaagsan uu Golaha Shacabka u la shaqeeyn doono Gudigga Abaaraha.
Soomaaliya ayaa unugul cimilada isbadaleysa, iyadoo hadda wajahaysa abaartii ugu darneyd tan iyo 2011-kii.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ilaa 6.1 milyan oo qof ay abaartu saameysay, iyadoo 760,000 oo qofna ay guryahooda ka barakeceen.
Hay’adaha gargaarka ayaa ka digay in haddii aan la kordhin kaalmada bani’aadanimo ay Soomaaliya ka dhici karto macaluul aan la arkin tan iyo 2011-kii xilligaasi oo 260,000 (laba boqol iyo lixdan kun) oo qof ay macluul u dhinteen.