Guddoomiyaha golaha shacabka oo ka qayb galay Kulanka Baarlamaanka Carabta

0
13

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ku sugan Magaaladda Algiers ee caasimadda wadanka Algeria ayaa cxaley ka qeyb galay kulan horudhac u ah shirweynaha Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Carabta oo halkaasi ka furmi doona, waxaana Kulanka looga hadlay arrimaha shirka guud iyo sidoo kale jadwalka guud ee shirka.

Xubnaha kulanka ka qeyb galay ee Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Carabta ayaa isla gartay in shirweynaha Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Carabta laga soo saaro qodobo muhiim u ah Ajendaha shirka ee sanadkan oo ah arrimaha carabta gaar ahaan xaaladda Falastiin.