Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqday Safaarada Soomaaliya ee Kenya.

0
153

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka  Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya  Sheikh Adan Mohamed Nur-Madobe ayaa booqday Safaarada JFS ee dalkeenna ay ku leedahay dalka Kenya.

Guddoomiyaha ayaa Safaarada waxaa ku soo dhoweeyey Safiirka dalkenna u jooga Kenya Amb. Maxamuud Axmed  Nuur Tarsan, ku-xigeenka Safiirka iyo howl-wadeennada Safaarada, waxaana uu bogaadiyey shaqada adag ee Shacabka Soomaaliyeed ku nool Kenya ay hayaan waxaana  uu ku dhiira-geliyey in aan marnaba laga caajisin u adeegida muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Danjire Tarsan oo ka mahadceliyey booqashada Guddoomiya ayaa sheegay  in dhiira-gelin iyo farxad ayu tahay imaanshaha Guddoomiye Aadan Madoobe.