Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo Xil ka qaadis sameeyay

0
311

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)  Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa xilka ka qaaday maamulkii deegaanka Feerfeer ee gobolka Hiiraan islamarkana ku dhow xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Xubnaha xilka laga qaaday ayaa kala ah.

1 Guddoomiyihii deegaanka Feerfeer Jeelle Faarax Ciyow
2 Duqii deegaanka Feerfeer Xuseen Dhoore Maxamed.
3 Agaasimhii waaxda dhul bixinta deegaanka Feerfeer Maxamed Axmed Cabdulahi.

Maamulka deegaanka Feerfeer ayaa loo magacaabay xubnaha kala ah.
1 Guddoomiyaha cusub ee deegaanka Feerfeer Mahad Maxamed Xassan.
2 Duqa deegaanka Feerfeer Khaliif Garaad Rooble.
3 Agaasimaha waaxda dhulbixinta deegaanka Feerfeer Axmed Xuseen Cabdi.

“ Kadib markan aragnay baahida loo qabo in isbedal lagu sameeyo maamulka deegaanka Feerfeer si loo dardar geliyo howlaha shaqo iyo amni, kadib markan aragnay talo soo jeedinta waxgaradka, aqoonyahanka, culumaaudiinka, dhalinyarada deegaanka Feerfeer, waxaan ka qaaday xilkii maamulkii deegaanka, waxana aan magacaabay maamul cusub.”ayaa lagu yiri wareegto uu soo saaray guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.

Deegaanka Feerfeer oo ku dhow xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa waxaa muddooyinkii ugu dambeeyay ka socotay dib u dhis balaaran iyadoo deegaanka laga hirgeliyay guryo casri ah, waxana dhawaan laga dhagax dhigay iskuul waxbarasho.