Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo ugu baaqay bulshada Baladweyne inay foojignaadaan maadaama xiligan uu buux dhaafay Webiga Shabeelle.

0
270

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay in bulshada magalaada Baladweyne looga baahan yahay inay foojignaan dheeraad ah muujiyaan maadaam xiligan uu buux dhaafay webiga shabeelle islamarkana roobab badan ay ka da’een dowlad deegaanka Soomaalida oo webiga shabeelle uu ka yimado.

Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay in guddoomiyaha gobolka shabeelle ee dowlad deegaanka Soomaalida Aadan Axmed Sooyaan uu ku wargeliyay maamulka gobolka Hiiraan inay soo dhaafeen biyo badan oo ku soo wajahan magaalada Baladweyne islamarkana loo baahan yahay in laga foojignaado.

“Waxaan raba inaan bulshada reer Baladweyne iyo guud ahaan reer Hiiraan ku wargeliyo waxaa nala soo xiriray guddoomiyaha gobolka shabeelle ee dowlad deegaanka Soomaalida, wuxuu noo sheegay in biyo badan ay soo dhaafeen, kama wado ha la barakaco, basle waxaa loo baahan yahay in foojignaan dheeraad ah la muujiyo, waxana loo baahan yahay in si wada jir ah u wajahno dadaalada looga hortagayo fatahaada, mahan in qof ama NGO lagu haleeyo.”ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.

Webiga shabeelle ee dhaxmara bartamaha magaalada Baladweyne ayaa xiligan buux dhaafay inkastoo wali cabirka biyaha webiga aysan gaari heerkii uu ku fatahi lahaa webiga, sida uu muujinayo cabirka ka dhax tagan webiga kaasoo ay    ku qoran yihiin Numbero  lagu cabirko iyadoo marka uu gaaro 10 uu karkaarada jabsado webiga balse hadda uu marayo shan.