Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa daah furay Tartanka Cayaaraha Kubadda Koleyga ee Degmooyinka Gobolka Banaadir 2025.
Tartankaan oo u goob joog ka ahaa Wasaarada Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada XFS General Bashiir Maxamed Jaamac, Madax ka socotay Wasaaradda Cayaaraha XFS, Madaxda Xiriirka K/Koleyga Soomaaliya, Madaxda Isboortiga Gobolka Banaadir, Guddoomiyeyaal Degmo iyo marti sharaf kale ayaa lagu daah-furay tartamaayasha Degmada Shibis oo difaacaneysa Koobka iyo Degmada Waaberi.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa tilmaamay in ahmiyad gaar ah u lee dahay fursasaha lagu dhiiragalinayo dhallinyarada iyo sidoo kale horumarinta ciyaaraha kala gadisan ee is dhaxgalka bulshada.