Guddoomiyaha California oo ku hanjabey in uu Marines-ka maxkamad la tiigsanayo

0
50

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Guddoomiyaha gobolka California ee dalka Mareykanka, Gavin Newsom ayaa ku hanjabay in uu maxkamad la tiigsan doono ciidamada Marines-ka ee la sheegay in lagu soo daabulayo gobolkiisa.

Newsom iyo Garyaqaanka Guud ee ee California Rob Bonta ayaa horay dacwad ugu oogay Madaxweyne Trump oo ay ku eedeeyeen in uu qalqal geliyey gobolka, ka dib markii uu ku soo daabulay ciidamo heer federal ah oo uusan dalban.

Sharciga Mareykanka ayaa qabo in madaxweynuhu faragelin karo maamulka gobollada marka ay sidaas codsadaan, laakiin Trump oo ku marmarsiyoonaya in dowlad-goboleedka California ay tahay shisheeye kalkaal ayaa magaalada Los Angels u direy 4,00 oo askeri oo ka tirsan ciidanka Ilaalada Qaranka ah. Sidoo kalena wuxuu ku hanjabay in u uku biirinayo 700 oo kuwa Marines-ka ah, si loo maquuniyo dadka mudaharaadaya.

Newsom ayaa Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka Pete Hegseth ku eedeeyey in uu sife sharcidarro ah u adeegsanayo ciidamada Marines-ka oo uu sheegay in aan looga baahneyn Los Angels.