Guddomiyaha Deeganka Dhoobley oo Radio Sanguuni ugu hambalyeeyay sanad guurada labaad ee Idaacada.

0
135

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-15kii june 2020-kii ayey ahayd markii idaacada sanguuni si rasmi ah looga hirgeliyay Maagalada dhoobley ee gobolka jubada hoose Maantana waxay ku beegan tahay 15ka bisha june oo ah Sanad-guuradii 2aad ee idaacadda sanguuni.

Idaacadani ayaa mudadii ay shaqeynaysay ee 2-da  Sano ahayd waxaa la oran karaa horomar la taaban karo waxay ka gaartey gudbinta Wararka iyo Barnaamijyada ay u baahan yihiin Bulshada deegaanka

Xili lagu guda jiro dabal degga sannad guurada labaad ee Idaacadda Sanguuni ayaa waxaa hambalyo iyo bogaadin u diray Idaacadda gudomiyaha Deegaanka Dhoobley siyaad maxamed xasan.

Dhanka kale Gudomiye siyaad ayaa ku amaanay Maamulka iyo Wariyayaasha Idaacadda sanguuni in ay door muhiim ah ka qaateen Wacyigelinta Bulshada ee ku aadan u adeegida Bulshada dhinacyada Nabada, hormarintooda islamarkaana ay muujiyeen dhabar adeeg iyo weliba is xilqaan dheeri ah.

Idaacadda sanguuni ayaa u dabaal dageysa sanagurada 2-aad kadib markii la aas’aasay 15kii june 2020-kii iyado noqotay Warbaahintii ugu horeysay ee ka shaqeeysay Arrimaha Bulshada iyo Bini’aadanimada ee deegaanka dhoobley ee gobolka jubada hoose.

Khadar Axmed Salaan. ayaa ka warramaya