Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Deegaanka Dag-alima ee Dhaca Koonfurta Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa ah Deegaan inta badan dadka ku nool ay noloshoodu ku tiirsan tahay dhaqashada Xoolaha nool.
Deegaankan ayaa waxaa saameyn baladhan ku yeshay guud ahaan Baraha ka jira qeybo badan Gobolada Dalka iyadoo uu hoos u dhac weyn ku yimid dhaq dhaqaaqa ganacsi iyo isku socodka bulsho ee Deegaanka.
Guddomiyaha Deegaanka Dag-alima Bishaar Sheekh Ibraahim ayaa Warbaahinta Sanguuni uga warbixiyay xaalada guud ee Deegaankaasi iyo sida ay u saameeyeen Abaaraha ka jira Dalka.
Dhan kale Guddomiye Bishaar ayaan wax ka weydinay sida ay tahay xaalada Dadka ay xoolihii ka dhamaadeen ee soo gaadhay Deegaanka Dag-alima ee Gobolka Jubbada Hoose.
Xasan Maxamed Cabdullahi. ayaa ka warramaya