Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftgareen ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Gudiga Hir-gelinta Doorashooyinka heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen oo kulan saacado qaatay la yeeshay Gudiga ayaa ka dhagaystay Warbixin ku saabsan waxyaabaha uqabsoomay iyo qorshaha uga degsan sidii ay uqaban lahayeen Doorashada Xubanaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Gudoomiyaha Gudiga Hir-gelinta Doorashooyinka Heer Federaal Mudane Maxamed Xasan Maxamed (Ciro) iyo Gudoomiyaha Gudiga Hir-gelinta Doorashooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Yuusuf Cabduqaadir Maxamed ayaa si wadajir ah Madaxweynaha Warbixin uga siiyey Udiyaar garowga Doorashada Aqalka Hoose Dhinacyada Farsamada, Foomamka,Habraacyadii lagu shaqaynayey iyo Maaliyada waxaana dhanka kale Gudiga ay ka warbixiyeen sida ay doonayaan inay uqabtaan Doorashada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Gudiga Hir-gelinta ayaa dhanka kale Madaxweynaha ku bogaadiyey Dadaalkii uu ku bixiyey soo afjarada khilaafkii ka dhexeyey Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Gudiga uga Mahadceliyey Booqashada ay ugu yimaadeen iyo Warbixinta ay la wadaageen.
“waxaan idinkaga Mahadcelinayaa booqashada aad iigu imaateen waan idinkugu bogaadinayaa dadaalkiina ku aadan hir-gelinta doorashooyinka dalka,waxaa naga goan kan dowlad goboleedka koonfur galbeed ahaan inaan doorashada ku qabano sida ugu dhow.
Gudiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa Maalmo joogi doona Magaalada Baydhabo si ay kulan ula qaataan Qeybaha kala duwan bulshada Magaalada Baydhabo.