Guddiga badbaadinta wariyaasha oo cambaareeyay fal ay Israa’iil ku dishay 5 ka mid ah shaqaalaha Aljazeera.

0
60

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Guddiga badbaadinta wariyaasha ee CPJ ayaa si kulul u cambaareeyay dilal ay ciidamada militariga ee Israa’iil u gaysteen 5 ka mid ahaa howlwadeennada warbaahinta caalamiga ee Aljazeera.

Guddigan ayaa dalbaday in Israa’iil falkaasi lagula xisaabtamo.
Ururka qaran ee saxaafadda ee National Press Club ayaa ku baaqay in dhacdadaasi baaritaan lagu sameeyo.

Xiriirka xurriyadda saxaafadda ee Freedom of the Press Foundation ayaa dhankiisa soo jeediyay in la qaado tallaabo lagu joojinaya in weerarro dheeraad ah loo gaysto wariyaasha tabinaya xaaladaha ka taagan marinka Qaza ee dalka Falastiin.

Sidoo kale warbaahinta Aljazeera ayaa cambaareysay shaqaalaha ay Israa’iil ka dishay.

Waxay dhacdadaasi ku tilmaantay iskuday ku aaddan aamusiinta codadka soo bandhigaya qorshaha ay Israa’iil doonaysa in ay kula wareegto Qaza.

Waxaa howlwadeennadan ka mid ah wariye Anas al-Sharif oo warbaahinta Aljazeera uga soo warramayay marinka Qaza.

Weerarka ayaa lagu bartilmaameedsaday teendho ay ka howlgalayeen oo laga sameeyay afaafka isbitaalka al-Shifa Hospital ee Magaalada Qaza.