Goormaa Ayuu Xirmayaa Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda? Taariikhda & Waqtiga Hishiisyada La Dhameyn Doono

0
169

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxaha Yurub ayaa ku mashquulsan inay soo xerogeliyaan bartilmaameedyadooda xagaagan si ay u xoojiyaan kooxdooda.

Ganacsiga suuqa kala iibsiga xagaaga ayaa la texgleiyaa marka loo eego midka jillaalka markaasoo kooxaha ay raadiyaan ciyaartooy dheeri ah iyadoo xilli ciyaareedka uu socdo, laakiin xagaaga ayaa ah waqtiga lacagta ugu badan la qarashgareeyo.

Si la mid ah ayaana la filayaa xagaagan iyadoo durbaba saxiixyo waa weyn la dhameystiray sida Erling Haaland, Darwin Nunez iyo Aurelien Tchouameni oo ku kala biiray Man City, Liverpool iyo Real Madrid.

Hadaba shabakada Laacib waxay eegeysaa waqtiga uu soo xirmayo suuqa kala iibsiga horyaalada Premier League, La Liga, Serie A, Bundesliga iyo Ligue 1.

Goormaa Ayuu Xirmayaa Suuqa Kala Iibsiga?

Suuqa kala iibsiga xagaaga ayaa furmay 10kii bishii Juun, wuxuuna xirmayaa 1da bisha September 2022.

Dhamaan shanta horyaal ee ugu waa weyn Yurub waxay suuqooda soo xirayaan isku maalin, inkastoo waqtiga uu soo xirmayo ay ku kala duwan yihiin.

Kooxaha waa weyn ee Yurub ayaa rajeynayaa inay saxiixyo cusub dhameystiraan ilaa iyo saacada ugu danbeysa suuqa kala iibsiga madaama uusan jirin tartan caalami ah oo mashquuliya ciyaartoyda.

Koobka Adduunka ayay aheyd in xagaagan la ciyaaro laakiin madaama kuleylka Qatar uu waqtigaan aad u sareeya waxaa la go’aansaday in Koobka Adduunka sannadkan la qabto bilaha November iyo December.

Miyuu suuqa kala iibsiga soo xirmayaa waqti isku mid ah horyaalada oo dhan?

Premier League

Ingariiska suuqa kala iibsiga waxa uu si rasmi ah u xirmayaa 11pm waqtiga UK oo u dhiganta 1da habeenino waqtiga geeska Afrika

La Liga

Dalka Spain waxa uu suuqa kala iibsiga si rasmi ah u xirmayaa 12:59 habeenimo waqtiga geeska Afrika

Serie A

Suuqa kala iibsiga Italy wuxuu xirmayaa habeeniada 1da September.

Bundesliga

Kooxaha Jarmalka waxay suuqooda soo xirayaa 7pm saacada geeska Afrika

Ligue 1

Faransiiska wuxuu suuqooda xirmayaa 12:59am waqtiga geeska Afrika