Goorma Ayuu Horyaalka Premier League Gelayaa Fasaxa Jiilaalk? – Akhriso Taariikhda Fasaxa Iyo Kulamada Hakadka Kaddib

0
165

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa gelaya waqtiga fasaxa kooban ee ciyaartoydu ay firaaqada la qaadanayaan qoysaskooda, kaddib shan bilood oo cidhiidhi ahaa oo ay toddobaadkii min laba jeer ciyaarayeen iyadoo ay u wehelinayeen kulamada caalamiga ah oo bil walba ay laba jeer soo dheeli jireen wixii ka horreeyey bishan December.

Premier League waxa uu galay fasax bil iyo dheeraad ah badhtamaha bishii November illaa laga gaadhayey badhtamaha bishii December waqtigaas oo la ciyaarayay Koobka Adduunka, laakiin hadda waxa la gelayaa fasaxii caadiga ahaa ee waqtiga Jiilaalka oo muddo kooban ah.

Kooxaha horyaalka Premier League waxa ay ciyaarayaan saddex kulan sagaal maalmood gudahood waqtiga Ciidda Masiixiga, ka hor inta aan la dheelin kulamada wareegga saddexaad ee FA Cup oo ah usbuuc-dhamaadka ugu horreeya bisha January.

Kulamada 21aad ee horyaalka Premier League ayaa kooxaha loogu kala qaybin doonaa laba usbuuc, taas oo ka dhigan in koox walba ay hal toddobaad fasax noqon doono.

Shan ciyaarood oo kaliya ayaa ay kooxuhu dheeli doonaan inta u dhaxaysa January 13 illaa January 15, kaddibna shan kale ayaa la ciyaari doonaa inta u dhaxaysa January 20 illaa January 22.

Premier League waxa uu si buuxda usoo laaban doonaa badhtamaha usbuuca ay taariikhdu tahay January 30 iyo 31, laakiin waxa ku dhax jiri doona kulamada wareegga afraad ee FA Cup oo ay kooxuhu is-arkayaan January 27 iyo 28.

Halkan kaga bogo jadwalka kulamada usbuuca 21aad ee Premier League iyo waqtiga

Sabti 13 January

  • Chelsea vs Fulham – 12:30 – talkSPORT, TNT Sports
  • Newcastle Man City – 17:30 – TNT Sports

Axad 14 January

  • Everton vs Aston Villa – 14:00 – Sky Sports
  • Manchester United vs Tottenham – 16:30 – Sky Sports

Isniin 15 January

  • Burnley vs Luton – 19:45 – talkSPORT, TNT Sports

Sabti 20 January

  • Arsenal vs Crystal Palace – 12:30 – talkSPORT, TNT Sports
  • Brentford vs Nottingham Forest – 17:30 – Sky Sports

Axad 21 January

  • Sheffield United vs West Ham – 14:00 – TNT Sports
  • Bournemouth vs Liverpool – 16:30 – Sky Sports

Isniin 22 January

  • Brighton vs Wolves – 19:45 – talkSPORT, TNT Sports