Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Real Madrid ayaa ku dhaw inay dhammaystirto bartilmaameedkeeda ugu weyn suuqa xagaagan ee Jude Bellingham oo kaga soo biiraya dhinaca kooxda ree Germany ee Borussia Dortmund.
Sida uu sheegayo wargeyska Marca ee fadhigiisu yahay magaalada Madrid, Real ayaa saxeexa Bellingham dhammayn doonta toddobaadka dambe marka uu soo idlaado xilli ciyaareedka horyaalka Bundesliga.
Borussia Dortmudn ayaa qarka u saaran ku guuleysiga horyaalka Bundesliga xilli ciyaareedkan iyagoo u baahan guul halka kulan ee u hadhay si ay u xaqiiqsadaan.
Real Madrid ayaa horeba heshiiska shaqsiga ah ula gaadhay Jude isla markaana ku dhaw inay lacagaha ay ka bixinayso kula heshiiso Dortmund.