Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa isku diyaarinaysa in ay u dabbaal-degto ku guuleysiga horyaalka waddanka Spain ee LaLiga dhamaadka toddobaadkan, iyadoo ay lix ciyaarood ka dhiman yihiin waqtiga lasoo xidhayo xilli-ciyaareedka.
Barcelona ayaa saddexdii sannadood ee u dambeeyey ka qatanayd horyaalka LaLiga, laakiin waxah hadda 11 dhibcood ka horreysaa Real Madrid oo kaalinta labaad fadhida.
Xavi Hernandez oo ay kooxdiisu toddobaadyadii u dambeeyey hoobad ku jirtay, ayaa waxa garab siiyey natiijooyin liitay oo ay Real Madrd ka keenaysayy garoomada, iyaga oo laba jeer laga badiyey intii ay Barcelona kufaysay.
Libintii ay Sabtidi ka gaadhay Real Betis ayaa Barcelona kusii dhoweysay hanashada horyaalka LaLiga, waxaanay hadda ku ducaysanayaan in laga badiyo Real Madrid usbuuc-dhamaadka, iyaguna ay saddex dhibcood ka tirsadaan Osasuna oo ay ballansan yihiin.
Barcelona ayaa horyaalka ku guuleysan doonta Salaasada haddii ay ka adkaato Osasuna isla markaana ay Real Sociedad ka adkaato Real Madrid, waxaana caadinaysa in la filayo in Carlo Ancelotti uu nasin doono ciyaartoydiisa muhiimka ah maadaama Sabtida ay ciyaari doonaan finalka Copa del Rey, saddex maalmood kaddibna ay Manchester City ku dagaallami doonaan semi-finalka Champions League.