Goobo Ganacsi oo lagu boobay Koonfur Afrika & cabsi soo wajahday Soomaalida

0
193

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay boobeen goobo ganacsi oo ku yaal deegaanka Soweto oo (24,3 km) u jira Magaalada Johannesburg ee Dalka Koonfur Afrika.

Goobaha Ganacsiga ee la boobay oo gaaraya saddex Dukaan ayaa waxaa leh Ganacsato u dhalatay dalka Itoobiya, waxaana goobta uu boobka ka dhacay Ganacsiga ugu badan ku leh Ajaanibta gaar ahaan Soomaalida.

In kastoo aysan jirin goobo Ganacsi oo Soomalida leedahay oo la boobay ayaa hadana qaarkood waxaa ay sheegeen inay Alaabtooda kala baxeen, isla markaana haatan ay dareemayaan cabsi la xiriirta in Koooxaha burcadda ah ay boobaan.

ayaa waxaa gacanta lagu mariyey Sedax Dukaan oo ay Ethiopian lahaayeen, iyadoo Ajaanibta ganacsiyada kala gedisan ku leh halkaasi haba ugu badnaatee Soomaalida ay saacadihii lasoo dhaafayba alaabadooda kalasoo baxayeen.

Sidoo kale Ganacsatada Soomaalida waxaa ay sheegeen inay hanjabaad kala kulmeen qaar kamid ah dadka u dhashay dalka Koomfur Afrika ee degan deegaanka Soweto oo ka tirsan Magaalada Johannesburg.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa Goobo Ganacsi oo waaweyn ku leh Soomali iyo Itobiyaan, waxaana ay la kulmaan dhac, dil &  weeraro mararka qaar lagu dhaawaco Ganacsatada.