Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Waxaa weli meelo Qeybo kamid ah dalka Koonfur Afrika ka socda Maalintii todobaad oo xiriir ah xeritaanka goobo Ganacsi oo ay leeyihiin Dadka Ajaanibta ah oo ay Soomaalida kamid tahay.
Xubno kamid ah Ururka Operation Dudula iyo dadka degan Degmada Soweto Ee Magaalada Johannesburg ayaa xiray islamarkaane Albaabada u laabay dukaamo ay lahayeen ganacsato ajaanib ah gaar ahaan Ganacsatada kasoo jeeda Itooobiya Somalia Iyo Bangladesh oo ganacsiyo Xoogan ku leh xaafadaha Degmada Soweto.
Maalmihii la soo dhaafay waxaa qeybo kamid ah Degmada Soweto ka jirta xiisad ka dhalatay toogasho loo geeystay Wiil 22 jir koonfur afrikaan ah kaasi oo lagu eedeeyay in dilkiisa uu ka dambeeyay dukaanle ajanabi ah.
Dukaamo dhowr ah ayaa la boobay qaarna waa la xiray halka kuwa kalane lagu qasbay in ay dukaamada ka cararaan, kuwaas oo aaday Magaalooyinka kale ee dalka Koonfur Afrika.
Ciidamada Booliska Magaalada Johannesburg ayaa ku howlan xakameeynta xiisada ka dhalatay toogashada loo Geeystay wiilka Koonfur Afrikanka ah.