Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose waxa xiligan siweyn looga dareemayaa diyar garow ku aadan munaasabada ciidul fidriga.
Goobaha lagu qurxiyo Dumarka ee ku yaala Magaalada Dhoobley ayaa maalmahan oo kale waxaa laga dareemaya Mashquul aad u badan.
Xili an booqanay mid kamid ah goobaha cilaan sarka ee Deegaanka Dhoobley ayan kula kulanay Salmo Axmed oo isku diyarineysa munaasabadda maalinta ciidul fidriga isla markana cilaan loo marinayay waxana wax ka weeydinay sida aya iskugu diyarineyso Munaasabada Maalinta Ciida.
Dumarka ku shaqeysta xirfadda Cilaan-Saarka ama qurxinta Dumarka ee ku dhaqan Magaalada Dhoobley ayaa si gaar ah uga faa’iideysta maalmaha Ciidda waxayna inooga warbixiyeen isbadalka ku yimaada shaqadooda xiliyadan oo kale.
Naxwo Axmed Kadiye.ayaa warbixintan ku eegeysa