Goobaha Dharka Lagu tolo ee Magaalada Dhoobley oo Laga dareemayo u diyaar garowga musaabadda ciida

0
194

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Goobaha dharka lagu tolo ee magaalada Dhoobley ayaa waxaa kajiro mashquul aad u badan iyadoo islamarkana  dadka ay isku diyarinayan inay sii toshaan dharka ay ku ciidi lahaayeen inta an lagariin xiliga cida madama dunida muslimka oo dhan ay u tahay malintaa cidul Aadxa maalin aad u weyn

Qaar kamid ah harqaanleyda magaalada dhoobley ayaan wax kaweydinay qaabka ay u shaqeeyaan xiliyadan oo kale waxayna inoo sheegeen in waqti badan shaqeeyaan taasi oy sabab u ah dalabka faraha badan oo ay ka helayaan dadka u diyaar garoobaya munaasabada ciida iyo nashqadaha cusub ee kuso kordhiyeen dhanka dhar tolista

Dhanka kale fatuma cabdi waxa ay kamid ah tahay gabdhaha ku nool dhoobley waxayna inoo sheegtay in lagama maarmaan tahay in wakhti munaasab ah dharka sii tolato maadama mashquul badan ay la kulmi karto maalamaha ciida soo dhawdahay.

Naxwo Axmed Kadiye. ayaa ka warramaysa