Goobaha Caafimaadka ee sida Gaarka ah loo leeyahay oo ku soo badanaya Magaalada Dhoobley

0
222

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Magaalada dhoobley  ee gobolka jubada hoose ayaa mudooyinkii u danbeeyay waxaa ku soo badanayay isbitaalada sida gaarka ah loo leeyahay kuwaas oo dhalinyaro badan ay u noqotay fursado shaqo oo noloshooda ku maareeyaan iyagoona ay u fidiyaan adeegyo caafimaad bulshada ku nool Deegaanka.

Qaar kamid ah dhalinyarada dhaqaatiirta ee ku nool deegaanka kuwaas oo mudooyinkii u danbeeyay ku dhiiraday in ay furtaan goobo caafimaad oo aan waraysi layeelanay ayaa inooga war bixiyay waxa ku dhaliyay in ay ku dhiiradaan ka hirgalinta deegaanka goobo caafimaad oo iyaga u gaar ah.

Sanad walba jaamacadaha kala duwan ee dalka waxay soo saaraan da’yar baratay culuumta noocyadeeda kala duwan, waxaana marka ay soo galaan suuqyada kala kulmaan culeys weyn oo dhanka shaqo yaraanta ah, iyagoona qaarkood ay abuurtaan shaqo iyaga u gaar ah halka kuwa kalana ay noqdaan kuwa iskugu yimaada goobaha kala duwan ee lagu qaxweeyo.

Khadar Axmed Salaan. ayaa ka warramaya