Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo uu Guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Sharciga Canshuuraha Dakhliga iyo Xeer-Nidaamiyaha Maaraynta Maaliyadda Guud, Siyaasadda Deymaha iyo Hannaanka Amaahashada iyo Soosaarista Damaanadaha.
Golaha Wasiirrada ayaa warbixin ku saabsan horumarka iyo dhismaha kaabayaasha Dhaqaalaha dalka ka dhageystay Wasaaradda Howlaha Guud oo soo bandhigtay Waddooyin laga dhisayo Garowe, Baydhabo Iyo Kismaayo — Iyo sidoo kale kuwo qorshuhu yahay in laga dhisay magaalooyinka Beledweyne iyo Dhuusamareeb, halka magaalada Muqdisho laga hirgelin doono biyo mareenno iyo dhuumo qaada bullaacadaha.