Golaha Wasiirrada oo ansixiyay wax ka beddelka iyo kaabidda Hindise Sharciyeedka Hey’adda Maaliyadda.

0
59

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey wax ka beddelka iyo kaabidda Hindise Sharciyeedka Hey’adda Maaliyadda, iyada oo lagu soo bandhigay waxqabadka daadajinta iyo furfuridda astateynta awoodaha heerarka Dowladda.