Golaha Shacabka oo yeelanayo kulan ku saabsan miisaaniyadda 2020

0
155

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Isniin ah waxaa ay kulankoodii caadiga ahaa ku yeelan doonaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada ayaa waxay kulankooda uga hadli doono sii wadidda dib u eegista miisaaniyadda 2020 iyo ka doodis iyo u codeyn wax ka beddalka sharci Num 75 Qodobkiisa 10-aad ee muddo xileedka Guddiga madaa bannaan ee xudduudaha iyo Faderaalka.