Golaha Deegaanka Degmada Afmadow oo kulan is xog waraysi ah La qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada Afamdow.

0
225

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Gudomiyaha ku xigeenka Golaha Deegaanka Degmada Afmadow Saalax Cumar Cabdi ayaa kulan is xog waraysi iyo latashi la yeshay urarada rayidka, odayasha dhaqanka iyo dhamaan qaybaha bulshada.

Kulanka oo qayb ka ahaa kulamo dhawr ah oo goluhu qabanayay tan iyo intii la hirgaliyay maamulka dawladaha hoose ayaa waxaa diirada lagu saarayay waxyaabaha u qabsomay golaha degaanka si ay bulshada u horkenan isla xisaabtan dhab ah.

Afayeenka odayasha dhaqanka ee degmada Afmadow Rashiid Cumar Fayn ayaa uga mahadceliyay golaha degaanka oo waxyaabihii u qabsomay oo ay ugu horeyaan hirgalinta laydhadhka cadceed ku shaqeya. Dhanka kale waxa uu maamulka ka codsaday in loo dhiso mudaarka diyaradaha oo muhiim u ah degmada.

Xogheyaha golaha degaanka degmada Afmadow Xalane Maxamed Bashiir oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay u jeedka kulanka uu daarnaa.

Dhanka kale Gudomiye ku xigeenka golaha degaanka degmada afmadow Saalax Cumar Cabdi ayaa ugu dambayn bulshada uga jawabay suaalihii ay qabeen iyo waxyaabaha ay tabanayeen.

Fardowsa Axmed Cabdi. ayaa ka warramaysa