Golaha Amaanka ee QM oo cambaareeyay weerarkii ay Israa’iil ku qaadday Qadar.

0
50

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cambaareeyay duqayntii cirka ee Talaadadii lagu qaaday caasimadda Qadar ee Doha, inkastoo aanay magacaabin Israa’iil inay ka dambaysay weerarkaas.

Dhammaan shan iyo tobanka xubnood, oo u uku jiro Maraykanka, ayaa isku raacay bayaanka, kaasoo xoojinayay xasilinta xaaladda iyo ixtiraamka madaxbannaanida Qadar.

Aas qaran ayaa loo sameeyay dadkii ku dhintay weerarka, inkastoo Xamaas ay sheegtay in hoggaamiyayaashooda sare ay ka badbaadeen.