Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Georginio Wijnaldum ayaa shaaca ka qaaday in Mohamed Salah uu ku qanciyey inuu ku biiro Naadiga Roma xagaagan.
Laacibkii hore ee khadka dhexe ee Liverpool, Georginio Wijnaldum ayaa la sheekeystay xiddigii ay isku kooxda ahaayeen ee Salah ka hor inta uusan, waxaana garabkii hore ee naadiga Giallorossi uu uga warramay arrimo ku saabsan kooxda.
Salah ayaa labo sanadood ku soo qaatay Roma, hal sano oo uu amaah kaga soo maqnaa Chelsea iyo hal sano oo heshiis joogto ah uu kula joogay naadiga Talyaaniga, waxaana uu u dhaliyey 34 gool, isla markaana waxa uu u sameeyey 22 caawin 81 kulan oo uu u saftay Roma tartammada oo dhan ka hor inta uusan u soo dhaqaaqin garoonka Anfield sanadkii 2017.
Dhinaca kale, Wijnaldum ayaa ka tagay naadiga Merseyside-ka sanadkii 2021 shan sanadood kaddib markii uu dhammaaday qandaraaskii uu ku joogay kooxdaas, waxaana uu Reds u ciyaaray 237 kulan, isla markaana waxa uu dhaliyey 22 gool, isagoo u sameeyey 16 caawin tartammada oo dhan.
Waxa uu xagaagii hore ku biiray kooxda Paris Saint-Germain, laakiin saameyn badan kuma yeelan, isagoo ciyaaray kaliya 38 kulan tartammada oo dhan, haatan waxa uu Roma ugu biiray heshiis amaah hal xilli ciyaareed ah.
Laacibka khadka dhexe ee reer Holland ayaa isagoo la hadlayay Liverpool Echo waxa uu yiri:-
“Waxaan doonayay inaan imaado sababtoo ah dadaalka ay kooxdu ku bixisay saxiixayga, waxaan kala hadlay Mo Salah iyo Kevin Strootman arrimo ku saabsan Kooxda iyo Magaalada, kaliya waxa aan maqlay sheekooyin wanaagsan oo aaddan kooxda iyo Magaalada Rome.
“Waxaan la hadlay Achraf Hakimi, xitaa haddii uu u ciyaaray Inter Milan, waxa uu ii sheegay in Roma ay tahay koox wanaagsan , taas ayaa sidoo kale wax badan igu qancisay maxaa yeelay waan garanayay kooxda.” ayuu hadalkiisa ku sii daray.