Gary Neville oo soo bandhigay baahiyaha Manchester United ee suuqa kala iibsiga

0
141

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Halyeyga kooxda Manchester United ee Gary Neville ayaa soo bandhigay baahiyaha Manchester United ee suuqa kala iibsiga.

Manchester United waxa ay dooneysaa in ay la soo wareegto wax ka badan hal ciyaaryahan, marka la gaaro suuqa kala iibsiga ee xagaaga, si ay u helaan badelka boosaska ay ka baxeen xiddigaha Paul Pogba, Nemanja Matić, Juan Mata iyo Jesse Lingard.

Wargeyska Metro ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay halyeyga kooxda Manchester United ee Gary Neville, wuxuuna yiri:

” Waan ognahay boosaska ay Manchester United u baahan tahay inay xoojiso.”

“Booska khadka dhexe ee daafaca waa shuruud lagama maarmaan ah, Man Unitedna waxay u baahan tahay ciyaartoy khadka dhexe ah.”

“Kooxdu sidoo kale waxay u baahan tahay weeraryahan, waan ogahay in Cristiano Ronaldo ay u badan tahay inuu sii joogo, waana ciyaaryahan aad u wanaagsan, laakiin waxay u baahan yihiin weerar.”

“Waxaan qabaa inay muhiim tahay ciyaaryahan ka ciyaara khadka dhexe, waxaana qabaa in daafacyadu ay aad muhiim ugu tahay kubadda cagta casriga ah.”

Si kastaba ha noqotee, Man United ayaa lala xiriirinayay saxiixa xiddiga heerka caalami dalka Holland iyo kooxda Barcelona ee Frenkie de Jong, kaddib markii uu codsaday tababaraha cusub ee Red Devils ee Eric Ten Hag, kaddib markii ay labadooduba hore uga soo wada shaqeeyeen naadiga Ajax Amsterdam.